Muqdisho (Raxanreeb Online) Maanta oo kale 14-kii Oktoober, sanadkii 2017-kii isgoyska soobe waxa ka dhacay qarixii ugu weynaa abid ee Soomaaliya ka dhaca kaas oo geystay qasaare nafeed iyo mid hantiyeed .
Waxaa uu galaaftay nolosha in ka badan 700 oo qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 1,000 qof oo kale, Waxaana sidoo kale burburay oo dhulka la sinmay dhismeyaashii kuyaalay halkaas oo ubadnaa goobo ganacsi, sidokale waxa xita haraadigooda la waayay gaadiidkii goobta marayay intooda badan.
Qaraxaas ayaa xasuus ku reebay qaar badan oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed gaar aahaan kuwa ku nool Muqdisho, waxaana jira dad ilaa iyo hadda la la’yahay nolol iyo geeri toona loona badinaayo in ay dhinteen.
Waxa uu dhacay Qaraxa oo loo adeegsaday Gaari nooca xamuulka qaado ah, galab Sabti ah xilli uu isgoyska Soobe aad u mashquul badnaa, waxaana ka jiray saxmad wayn oo dhanka gawaarida iyo dadka ah, Hareeraha Wadadana waxaa buux dhaafiyay dad warato ahaa iyo kuwo socday.
Qaraxa oo aad u cuslaa aawadeed, isla markii lama helin xogta rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca balse Duqii hore Muqdisho Thabit Ab oo ahaa masuulkii ugu horeeyay ee goobta gaara ayaa mar qura la hadlay warbaahinta waxa uuna sheegay in waxa dhacay ay xasuuq tahay, asiga oo madaxda qaranka ugu baaqay in gurmad wayn ay la soo gaaraan dadka.
Sidoo kale Madaxda iyo shacabka Soomaaliyeedba ku baraarugeen in ay jirto xaalad aan ladhayalsan karin, waxaana Muqdisho oo idil ka bilowday gurmad aan ka la sooc laheen iyadoo isbitaalada iyo goobta uu qaraxa ka dhacayba ay buux dhaafiyeen dadkii ugu badna ee ka damqaday waxa dhacay.
Qaraxii Soobe wuxuu ahaa dhaawac weyn oo ku dhacay qalbigeena, balse sidoo kale wuxuu iftiimiyay midnimada iyo naxariista dadka Soomaaliyeed, Waxaan xasuusanaa geesinimadii dadkii gurmadka bixiyay iyo adkeysigii ay muujiyeen shacabka oo garab istaagay kuwa dhaawacmay iyo ehelada ay musiibadu saameysay.

Leave a Reply