UK ( Raxanreeb Online) Dambiyada mindiyada loo adeegsado ee dhacaya UK, ayaa “si joogto ah” u kordhay tan iyo 2011, sida ay sheegayaan tirakoobka dowladda.
Arrintan ayaa noqotay mid aad u muuqata, sidaas darteed Sir Keir Starmer ayaa ku tilmaamay “qalalaase qaran”.
Lixdan kun oo mindi ayey qabteen boolisku iyada oo qayb ka ah dadaal ballaaran oo dowladda ay ku xakameyneyso dambiyada noocan ah sannadkii la soo dhaafay. Sidashada mindida meelaha dadweynaha waxaa ka dhalan kara ciqaab ilaa afarta sano ee xabsi.
Weerarkii mindida ee ka dhacay tareen marayey bariga Ingiriiska ilaa kii bishii hore ka dhacay sinagoga ku taalla Manchester, oo labo qof ku dhintay, labaduba waxay qabsadeen ciwanada warbaahinta caalamigaa.

Leave a Reply