Jowhar (Raxanreeb Online) Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hir-shabeelle, waxaa maalintii labaad hakad ku yimid isku socodka gaadiidkii ka dhex shaqeeynayay gudaha magaalada iyo kuwa goballada aadayay sida magaalada Muqdisho.
Sidoo kale qeybo ka mid ah ganacsiga magaalada ayaa xiran maadama aysan safar magaalada looga baxayo ama lagu soo galaya.
Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib markii wasaaradda maaliyada Hir-shabeelle, ay canshuur xad dhaaf ah ku soo rogtay ganacsatada iyo gaadiidleyda Hir-shabeelle, taasi oo dhankooda cabasho ballaaran ay ka muujiyeen tallaabadaasi.
Weli ma jirto war kasoo baxay madaxda maamulka Hir-shabeelle, oo ku aadan wax ka qabashada baaqa kasoo yeeray ganacsatada iyo gaadiidleyda gobolka Shabeellaha Dhexe, arrinta la xiriirta canshuurta lagu soo rogay ee aysan awoodin.
Geesta kale siyaasiinta kasoo jeedka Hir-shabeelle, ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid ay wataan madaxda Hir-shabeelle, maadaama xili kala guur ah lagu jiro Shacabka ay la daala dhacayaan sicirbarar iyo abaar.

Leave a Reply