Muqdisho (Raxanreeb Online) Ciidamo badeed katirsan midowga Yurub ayaa badbaadiyay Markab shidaal siday oo lagu magacaabo Halles Aphordite, kaasii oo ay weerareen kooxo burcad badeed ah xili uu marayay meel u dhow xeebaha Soomaaliya.
Wararka ayaa tilmaamaya in 24 shaqaale oo Markabka saarnaa ay bad qabaan kaddib markii ay isku xireen qol amni oo ku dhex yaalla Markabka inta uu weerarka socday.
Markabka oo watay calanka Malta, isla markaana shixnad shidaal kasoo qaaday Hindiya, ayaa ku sii jeeday dalka Koonfur Afrika.
Weerarka ayaa dhacay Khamiistii, waxaana kooxaha Burcad badeeda ay adeegsadeen qoryaha darandooriga u dhaca iyo gantalo yaryar, sida ay sheegtay Diablos Group oo ah shirkad ammaanka badda.
Howlgalka badbaadinta Markabka, waxaa fuliyay Markab dagaal oo Isbaanish ah, kaasi oo katirsan howlgalka midowga Yurub ee Atlanta, ee lagula dagaalamo kooxaha burcad badeedka geeska Afrika.
Sikastaba, maalmo ka hor ayey aheyd markii kooxo burcad badeed ah ay weerareen Markab shidaal siday oo marayay xeebaha Soomaaliya.

Leave a Reply