Shabeellaha Hoose ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa laga helaya howlgal ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Kumandooska Gor Gor ay maanta ka sameyeen Deegaanada Calanley, Masaale Iyo Ruun shiiqow ee Gobalka shabelaha dhexe.
Howlgalkan ayay ciidanku ku gaareen gooba la Soo weriyay in kooxaha Al-shabaab ee ah kawadeen qal qalgelin amni Iyo baada dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobalka shabelaha dhexe.
Taliyaha Ururka 191aad Guutada 19aad ee Kumandooska Gor Gor G/le Mukhtaar Ahmed Omar oo Hogaminayay howlgalkan ayaa Warbaahinta dowladda u xaqeejiyay iney ku guuleysteen qorsha howlgalkan.
Sidoo kale taliyaha ayaa carabka ku dhuftay in howlgalka inta uu socday ay burburiyeen fariisimo ay ku sugnayeen kooxda Al-shabaab, isla markaana ay ku raad joogaan kooxihii firxadka ahaa.

Leave a Reply