Muqdisho (Raxanreeb Online) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa umadda Soomaaliyeed gaar ahaa bahda Ciyaaraha ugu hambalyeeyay guusha taariikhiga ah ee uu soo hooya Garsooraha heeraha caalami ee Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan oo ku guuleystay billada Garsooraha Sanadka ee Afrika 2025 oo ay guddoonsiyeen Xiriirka Kubadda Cagta ee Afrika (CAF).
“Waxaan umadda Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan bahda ciyaaraha ugu hambalyeynayaa guusha uu soo hooyay garsooraha heerka Caalami ee Soomaaliyeed Cumar Cabdiqaaddir Cartan oo ku guuleystay billada Garsooraha Sannadka ee Afrika 2025 oo ay guddoonsiyeen Xiriirka Kubadda Cagta ee Africa (CAF)” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh
Madaxweyne Xasan Sheekh ahaa sheegay in Garsoore Cumar Cartan uu Astaan u yahay kartida hal-adeygga iyo xirfadda mihnadeed ee heerkeedu sarreeyo ee ay leeyihiin dhallinyarada Soomaaliyeed.
“Garsoore Cumar waxaa uu astaan u yahay kartida, hal’adaygga, iyo xirfadda mihnadeed ee heerkeedu sarreeyo ee ay leeyihiin dhallinyaradeennu, isaga oo ku guuleystay in magaca ummadda Soomaaliyeed guud ahaan iyo dhallinyarrada si gaar ah uu sare u qaado isla markaana ku matalo fagaarayaasha caalamka, guushaan taariikhiga ahna kasoo hooyay.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweyaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Leave a Reply