Trump oo ku dhawaaqay go’aan ka dhan ah Soomaalida qaxootinimada ku jooga Mareykanka

Trump oo ku dhawaaqay go’aan ka dhan ah Soomaalida qaxootinimada ku jooga Mareykanka

News York ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa jimcihii shalay sheegay in uu si dhakhso ah u joojinayo sharciga badbaadada ku meel-gaar ah (TPS) siinaya dadka qaxootinimada ku jooga Minnesota.

‘’Koox Soomaali ah ayaa argagax ku haya shacabka gobolkaas weyn, waxaana la waayay balaayiin doolar” ayuu Trump ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta uu isticmaalo ee Truth Social.

“Aniga ka madaxweynaha Maraykanka ahaan, halkan ayaan ku joojinayaa, iyada oo dhakhso loo dhaqan-gelinayo, barnaamijka ilaalinta ku meel gaarka ah (TPS) ee Soomaalida Minnesota’’ ayuu raaciyay.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa sharcigan loo yaqaan TPS ku jooga dalka Maraykanka, kuwaas oo uu saameyn doona go’aanka Trump.

Leave a Reply

Your email address will not be published.