Garoowe (Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil xalay ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, kaasi oo ay ku geeriyodeen Cabdiraxmaan Yusuf Axmed oo ka mid ahaa dhallinyarada aqoonyahanka ah ee dhawaan ku soo biiray Ciidanka Booliska Puntland iyo Nuur Ibraahim Maxamuud oo ahaa wiil bajaajle ah.

Gaari nooca raaxada ah oo uu watay nin lala xiriirinayo maandooriye ayaa si fool xun u jiiray bajaaj ay saarnaayeen labada marxuum, waxaana shilkaasi ka dhacay aaga hotel Guureeye.

Ciidanka Booliska ayaa ku guuleystay in ay qabtaan ninka maandooriyaha lala xiriirinayo ee sababay shilka, waxaana la sheegay in uu qabo dhaawac oo hadda uu yaallo mid ka mid ah isbitaalada Garowe.

Booliska Puntland oo arrintan war ka soo saaray ayaa ku gaabsaday in ay baaritaan ku wadaan sida ay u dhinteen labada marxuum.

“Alle ha u naxariistee marxuum Cabdiraxmaan Yuusuf Axmed waxa uu ka mid ahaa dhallinyarada aqoonyahanka ah ee dhawaan ku soo biiray Ciidanka Booliska Puntland. Waxa uu ku geeriyooday caawa Garowe, waxaana sidoo kale ku geeriyooday qof shacab ah. Arrintaas waxaa baaritaan ku wada Laanta Baarista Dembiyada (CID)” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Booliska Puntland.

Ninka maandooriyaha lala xiriirinayo ee sababay shilka ay ku dhinteen labada marxuum, waxaa la xaqiijiyay in uu ka tirsan yahay madaxtooyada iyo qoyska madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Geesta kale wararka qaar ayaa sheegaya in wiilka falka geystay ay dhashay Siciid Cabdullaahi Deni walaashiis oo lagu magacaabo Ifraax Cabdullaahi Deni. Waxaana eedeysanaha falka geystay magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Maxamed Cabaas.

Ilaa iyo hadda ma jiro war kasoo baxay maamulka Puntland oo ku aadan dhacdadaan sababtay dhimashada ee xalay ka dhacday magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.