Guinea Bissau ( Raxanreeb Online) Madaxwaynihii la afgembiyay ee dalka Guinea-Bissau Umaro Sissoko Embalo ayaa gaaray dalka ay jaarka yihiin ee Senegal, sida ay sheegtay wasaaradda arimaha dibadda ee dalkaasi.
Saraakiisha ayaa sheegay in madaxweynaha oo ay xabsiga u taxaabeen askartii afgambiga sameeyay todobaadkan la sii daayay.
Kooxaha afgambiga sameeyay ayaa madaxweynaha ku sii daayay wadahadal ay garwadeen ka ahaayeen ururka ECOWAS ee galbeedka Afrika.
Wada xaajoodka ayaa ujeedkiisu ahaa in la xaqiijiyo in madaxweynaha uu si nabad ah uga baxo dalkaas iyadoo ay sii kordhayso xiisadda ka taagan Guinea-Bissau.
War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Senegal ayaa lagu sheegay in Embalo uu dalka ku yimid “nabad iyo badqab” isagoo raacay diyaarad millatari oo loo kireeyay fiidnimadii Khamiista.
Milatariga dalka Guinea-Bissau ayaa u magacaabay jeneraal Horata Natham inuu hoggaamiyo dalkaasi muddo sanad ah oo uu hogaaminayay Shishikhar.

Leave a Reply