Maxkamadda Racfaanka Galgaduud oo xukun dil ah ku riday rag ku eedeysan dilka Hooyo iyo carruur ay dhashay

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud oo xukun dil ah ku riday rag ku eedeysan dilka Hooyo iyo carruur ay dhashay

Galgaduud ( Raxanreeb Online) Maxkamadda Racfaanka gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug, oo manta u fariisatay racfaan ay soo qateen qareenada difaacayay rag ku eedeysan dilka Hooyo iyo saddex gabdhood oo ay dhashay ku xukuntay dil toogasho ah.

Dilka Hooyada iyo carruurteeda ayaa ka dhacay tuulo hoostagta deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud, waxaana maxkamadda ay dhageeystay dooda qareenada difaacayay, cadeemaha xeer ilaalinta iyo marqaatiyaasha maxkamadda la horkeenay.

Gunaanadka maxkamadda Racfaanka ee gobolka Galgaduud, ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Cabdi Cismaan Cabdullaahi iyo  Galad Axmed Xuseen, halka 5 sanno ah oo xabsi ah ku riday Ayuub Maxamed Cabdi.

Guddoomiyaha maxkamadda Racfaanka Galgaduud, ayaa sheegay in go,aanka maxkamadda uu yahay mid cadaaladda u horseedi doonaa qoyska dhibanayaasha iyo guud ahaan bulshada ku nool deegaanada maamulka Galmudug.

Deegaanada maamulka Galmudug, waxaa muddooyinkii dambe ka taagnaa dhacdooyin naxdin abuuray oo salka ku hayay falal la xiriira aanooyin qabiil, iyada oo madaxda maamulka Galmudug, ay wacad ku mareen in ay tallaabo ka qaadi doonaan cid walbo oo lagu heli in ay dil geysto.

Leave a Reply

Your email address will not be published.