Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee xukuumadda Soomaaliya, ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in maalmaha ka dhiman todobaadkan fasax laga dhigay goobaha waxbarashada sababa la xiriira doorashada dhaceysa 25-ka bishan oo ku began maalinta Khaamiista ah.
Qoraalka wasaaradda ayaa lagu sheegay in 21-ka ilaa iyo 25 bishan, ay fasax yihiin dugsiyada wax lagu barta, iyo jaamacadaha dalka ku yaallo.
“WasaaraddaWaxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxa ay ku wargelineysaa dhammaan waalidiinta, ardayda iyo bahwadaagta waxbarashada in la hakin doono howlaha waxbarashada ee Gobolka Banaadir inta u dhexeysa 21-ka Diseember ilaa 25-ka Diseembar 2025. Si loogu diyaargaroobo doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee dagmooyinka Gobolka Banaadir, waxaa la xirayaa dhammaan goobaha waxbarashada oo ay ka mid yihiin dugsiyada, macaahidda iyo jaamacadaha” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda waxbarashada ee XFS.
“Haddaba, Wasaaraddu waxa ay ka codsanaysaa masuuliyiinta goobaha waxbarashada ee loo asteeyey doorashooyinka in ay si habsami leh ula shaqeeyaan Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha” ayaa lagu sii raaciyay qoraalka wasaaradda.
Sidoo kale wasaaradda ayaa qirtay in maalmaha la hakiyey ardayda waxbarashada, dib gadaal looga dari doono sannad-dugsiyeedka 2025-2026.

Leave a Reply