Maxey tahay sababta uu madaxweyne Deni ugu amba baxay dalka Imaaraatka ?

Maxey tahay sababta uu madaxweyne Deni ugu amba baxay dalka Imaaraatka ?

Kismaayo ( Raxanreeb Online) Sida wararka anu heleyno ay sheegayaan madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta safar ugu baxay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Safarka madaxweynaha Puntland ayaa lagu sheegay in uu ku lug lahaa shirkii mucaaradka ee ku soo gabagaboobay Kismaayo.

Madaxweynaha Puntland oo ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ayaa siimaraya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu uga sii gudbi doono magaalada Dubai.

Madaxweyne Deni wuxuu marar badan safarro aan u jeedadooda la shaacin oo muddo qaatay ku aaday dalka Imaaraadka Carabta, isaga oo kii ugu dambeeyay ka yimid 6-dii bishan Diseembar.

Leave a Reply

Your email address will not be published.