Dagaal iyo duqeymo ka dhacay deegaano ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe

Xawaadley ( Raxanreeb Online) Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa ku waramaya in duqeyn culus laga fuliyay tuuooyin hoostaga deegaanka Xawaadley ee gobolkaasi.

Duqeynta ayaa si gaar ah uga dhacday aaga deegaanka Jabadgodane, oo maalmihii lasoo dhaafay ay ku soo qul qulayeen maleeshiyaadka Al-shabaab, kuwaasi oo galay tuulooyin u dhow deegaanka ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in duqeynta ka hor halkaasi inuu ka dhacay dagaal u dhaxeeyey ciidanka dowladda iyo  Ururka Al-shabaab, kaddib dagaalkaasi ayaa la sheegay in diyaaradaha saaxiibada caalamiga ah ay duqeyn culus halkaasi ka fuliyeen.

Duqeymaha ayaa si gaar ah lola beegsaday difaacyo iyo godad waa weyn oo ay kooxdu ku laheyd deegaankaasi, isla markaana la gaarsiiyay khasaaro.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay hareereyeen Jabadgodane, iyaga oo qorsheynaya in ay gudaha u galaan si ay ugu saraan maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab.

Weli dowladda Soomaaliya faah faahin kama aysan bixin dagaalka iyo duqeynta ka dhacday deegaanka Jabadgodane Mana jiro ilo madax banaan oo xaqiijin kara khasaaraha soo kala gaaray labada dhinac ee ay dirirtu dhex martay.

Wixii ku soo kordho warkan halkan kala soco

Leave a Reply

Your email address will not be published.