Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in burbur ku yimid ciidanka xoogga dalka, taas oo ay keentay dhowr arrimood.
Farmaajo wuxuu sheegay in ciidamada lageliyay dagaallo aan qorshe iyo istiraatiijiyad laga fiirsadey lahayn, taas oo sababtay in AS sii xoogaystaan, dibna u qabsadaan deegaanno hore looga saaray.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in burburka ciidanka ay qayb weyn ka qaadatay siyaasadda ciidan qorista iyo dalacsiinta oo ciidanka dhexdiisa ka abuurtay eex iyo caddaalad darro, sida uu sheegay.
Musuqmaasuq iyo kala daadsanaan hoggaanka ciidanka ah ayuu sheegay in ay iyana qayb ka tahay burburka iyo howlgudasho la’aanta ciidanka xoogga dalka.

Leave a Reply