Ankara ( Raxanreeb Online) Janaraal Maxamed Cali Axmed al-Xaddaad iyo afar qof oo kale ayaa saarnaa diyaarad nooceedu ahaa Falcon 50 oo ka duushay caasimadda Turkiga ee Ankara fiidnimadii xalay ee Talaadada.
Qoraal uu soo dhigay barta X, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Turkiga Cali Yerlikaya ayaa uu ku sheegay in signalladii diyaaraddaas la waayay ku dhawaad siddeeddii – qiyaas ahaanna ahayd afartameeyo daqiiqo kaddib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha ee Ankara.
Diyaaraddan oo ku sii jeedday magaalada Tripoli ayaa dirtay codsi ku saabsan degitaan degdeg ah ka hor inta aan xidhiidhkeedu lumin.
Burburka diyaaradda ayaana markii dambe laga helay koonfur-galbeed magaalada Ankara, waxaana hadda socda baadhitaan ku aaddan waxa sababay shilka.
Qoraal dambe oo uu soo dhigay X, Yerlikaya wuxuu ku qoray in booliisku ay ku arkeen hadhaaga diyaaraddii agagaarka tuulada Kesikkavak, oo ka tirsan degmada Haymana. Wuxuu sheegay in “dadwaynaha lala socodsiin doono sida wax ku danbeeyaan”.
Dalka Liibiya, Cabdul Xamiid Dbeibeh, oo ah ra’iisul wasaaraha Dawladda Midnimada Qaran (GNU) ee beesha caalamku aqoonsan tahay, ayaa sheegay inuu helay warka ku saabsan dhimashada Janaraal Xaddaad iyo saraakiil kale oo sarsare oo ka tirsan millateriga Liibiya oo saarnaa diyaaraddaas.
Ra’iisul wasaaraha ayaa ku tilmaamay “khasaaraa weyn” oo soo gaadhay qarankaas.
Janaraal Xaddaad iyo kooxdiisa ayaa ku sugnaa Turkiga qaybna ka ahaa looga gol lahaa xoonintayo iskaashiga dhinaca milateriga iyo amniga ee u dhexeeya labada dal.

Leave a Reply