Shiinaha uu shaaciyay sababta dib u dhaca booqashadii wasiirka arrimaha dibadda uu ku imaan lahaa Muqdisho

Shiinaha uu shaaciyay sababta dib u dhaca booqashadii wasiirka arrimaha dibadda uu ku imaan lahaa Muqdisho

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa ka warbixisay sababta dib u dhaca ugu yimid safarkii wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi, uu shalay ku imaan lahaa magaalada Muqdisho.

Afhayeenka u hadlay safaaradda Shiinaha, ayaa sheegay in go’aanka dib u dhigista boqashada uu ka dhashay isbada ku yimid jadwalka socdaalka wasiirka arrimaha dibadda, kaddib watashi dhex maray Soomaaliya iyo shiinaha wasaaradaha arrimaha dibadda.

Waxa uu intaas raaciyay hadalkiisa in dowladda Shiinaha, ay wax ka badashay jadwalkii wasiirka, isla markaana labada dhinac ay hadda ka wada shaqeynayaan sidii waqti cusub oo booqasho ah loo qaban lahaa.

Safaarada Shiinaha, ayaa tilmaamtay in dib u dhigista aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin xiriirka u dhaxeeya labada dal.

Geesta kale safaaradda  Shiinaha ayaa cadeeysay in ay xoojiso iskaashiga dhinacyada kala duwan ee uu la leeyahay Soomaaliya kor u qaado, iyada oo qoraalka safaaradda Shiinaha lagu sheegay in kaalin weyn ay ka qaadan doonaan adkeeynta madaxbanaanida Soomaaliya.

Hadalka kasoo baxay safaaradda Shiinaha ee Muqdisho, ayaa meesha ka saaraya hadalo ay baahiyeen warbaahino qaar kuwaasi oo sheegay in baaqashada wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha uu ku imaan lahaa Muqdisho, ay ka dhalatay cabsi laga muujiyay amniga magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.