Muqdisho ( Raxanreeb Online) Xildhibaanada Baarlamaanka golaha shacabka ee Soomaaliya ayaa maanta kulankoodi caadiga ahaa waxa ay ku yesheen xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe) iyo ku-xigeenadiisa.
Kulanka xildhibaanada golaha shacabka, ayaa maanta lagu ansixiyey Axdiga Xakameynta Tubaakada, waxaana ogolaatay 139-Xildhibaan, seddax Xildhibaan ayaa ka aamustay, wax diidayna ma jirin.
Sidoo kale xeerkan waxaa loo gudbin doonaa golaha aqalka sare oo marin doona Akhrin, dood iyo codeyn, haddii uu golaha ansixiyo, waxaa loogudbin doonaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Leave a Reply