Madaxweynaha Soomaaliya iyo wefdi uu hoggaaminayo oo gaaray Laascaanood

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wefdi uu hoggaaminayo oo gaaray Laascaanood

Laascaanood (Raxanreeb Online) Madaxweynaha  Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa ka degay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi Bari.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Laascaanood waxaa ku sugnaa Mas’uuliyiin heer federaal, Heer Dowlad-Goboleed, Isimada Dhaqanka, Qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo madax dalka xilal kala duwan kasoo qabatay iyo hoggaanka Ciidamada Booliiska & Nabadsugidda.

Magaalada Laascaanood waxa ay galaysaa saacado isugu jira Caleemo-saar Maamulka Waqooyi Bari iyo kulamo guud ah oo Madaxda Dalka ay la qaadanayaan qaybaha kala duwan ee Magaaladaas ku sugan sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow socdaalka madaxweynaha.

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa saakay waqti hore gaaray Magaalada Laascaanood, waxa uu qayb ka yahay mas’uuliyiinta ka qaybgalaysa Caleemosaarka Maamulka Waqooyi Bari.

Leave a Reply

Your email address will not be published.