Warsheekh ( Raxanreeb Online) Wararka inaga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo maleeshiyaadka Al-shabaab uu ka socdo deegaan hoostaga degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in dagaalka inuu yahay mid culus, isla markaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hub nuucyadiisa kala duwan, kaasi oo si aad ah looga maqlayo deegaanada fog fog ee gobolka.
Goob jogayaal kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegaya in xaalada ay tahay mid kacsan isla markaana dagaalka uu yahay mid halistiisa wata, ayna ka cabsi qabaan in ay waxyeelo kasoo gaato.
Weli si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, maadama uu hataan weli ka socdo deegaanka.
Wixii ku soo kordho warkan halkan kala soco.

Leave a Reply