Puntland oo walaac ka muujisay qorsho ay sheegtay inuu wado madaxweyne Xasan Sheekh

Puntland oo walaac ka muujisay qorsho ay sheegtay inuu wado madaxweyne Xasan Sheekh

Garoowe ( Raxanreeb Online) Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor, oo ka hadlay ay kulan ka dhacay magaalada Garoowe, ayaa sheegay in Villa Somalia waqtiga yar ee u dhiman in ay ka shaqeyneyso burburinta maamulka Puntland.

Waxa uu tilmaamay in 110-ka habeen ee u dhiman madaxweyne Xasan Sheekh, uu ka shaqeynayo burburinta Puntland, balse waxa uu sheegay in sannadkii hore ay ku mashquulsanayeen dagaalka kooxda Daacish, hayeeshe sannadkan ay xoog u soo jeedan, isla markaana ay la socoto xogta iyo qorshaha Villa Somalia ay wadato, sida uu hadalka u dhigay Lugtoor.

Sidoo kale madaxweyne ku-xigeenka Puntland, ayaa digniin u diray mas’uuliyiinta katirsan dowladda ee xilalkooda u gudan sida haboon, waxa uu carabka ku dhuftay in qofna reerkiisa ama xilkiisa lagu beegsan doonin, haddii uu ka ka dago.

Hadalka kasoo yeeray madaxweyne ku-xigeenka Puntland, ayaa yimid kaddib markii maalmo ka hor ay siyaasiyiin gacan saar la leh dowladda federaalka, ay gareen magaaloyinka Garoowe iyo Boosaaso ee maamulka Puntland.

Geesta kale Puntland, ayaa dhowaan sheegtay  in askar gaareysa 1,376 askari  oo ay mushaar siiso dowladda federaalka ay ku sugan yihiin deegaannada maamulka Puntland, kuwaasi oo ay tilmaamtay in loogu tagalay in ay carqaladeyaan amniga deegaannada Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.