Ruushka oo lagu eedeeyay inuu dilay hoggaamiyihii mucaaradka ee Alexei Navalny

Ruushka oo lagu eedeeyay inuu dilay hoggaamiyihii mucaaradka ee Alexei Navalny

Moscow ( Raxanreeb Online) Hoggaamiyihii mucaaradka Ruushka Alexei Navalny ayaa la dilay iyadoo loo adeegsaday sun laga soo saaray sunta raha, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee UK.

Labo sano ka dib dhimashadii Navalny ee xabsiga Siberia, Britain iyo xulafadeeda ayaa ku eedeeyay Kremlin ka dib markii la baaray muunado walxo laga helay jirkiisa.

Ma jirto sharraxaad ku saabsan sunta, oo loo yaqaan epibatidine, taasoo laga helay muunado laga soo qaaday jirka Navalny, Xafiiska Arrimaha Dibadda ayaa yiri.

Iyadoo ka hadlaysay shirka amniga Munich, xoghayaha arrimaha dibadda Yvette Cooper ayaa tiri: “Dowladda Ruushka oo kaliya ayaa heysatay habka, ujeedka iyo fursadda ay ku geyn karto suntan halista ah ee Alexei Navalny intii uu ku xirnaa Ruushka.”

Cooper waxay xaaska Navalny ee Yulia Navalnaya kula kulantay shirkii usbuucan.

“Xaaska hoggaamiyihii la dilay ee Alexei, ayaa sheegtay in Ruushka uu u arkayey khatar weyn.

“Iyadoo isticmaaleysa qaabkan sunta ah ee dawladda Ruushku waxay muujisay agabka foosha xun ee ay gacanta ku hayso iyo cabsida weyn ee ay ka qabto mucaaradka siyaasadeed,” ayay raacisay.

UK waxaa ku biiray Sweden, Faransiiska, Netherlands iyo Jarmalka oo Ruushka ku eedeeyay sunta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.