Hoggaamiye Jibriil Cabdirashiid oo daah-furay qorshaha isbadalka Koonfur Galbeed

Baydhabo ( Raxanreeb Online) Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa si rasmi ah u daah-furay Qorshaha Isbeddelka Koonfur Galbeed iyo Siyaasadda Xalka Waara.

Munaasabadda daah-furka oo ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda, wakiillo ka socday bulshada rayidka ah iyo bahwadaagta caalamiga ah.

Qorshahan cusub ayaa diiradda lagu saarayay xoojinta dowlad-dhiska, horumarinta adeegyada bulshada, kobcinta dhaqaalaha, iyo hirgelinta nabad waarta. Sidoo kale, waxa uu qorshuhu qeexayaa istiraatiijiyad cad oo lagu wajahayo caqabadaha amni, dhaqaale iyo bulsho ee ka jira deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Hoggaamiye Jibriil ayaa ugu baaqay shacabka iyo daneeyayaasha kala duwan in ay ka qeyb qaataan hirgelinta qorshahan si loo xaqiijiyo mustaqbal xasilloon oo horumar leh.

Leave a Reply

Your email address will not be published.