Kooxo hubeysan oo weeraro culus ku qaaday caasimada dalka Mali

Mali ( Raxanreeb Online) Kooxo hubeysan ayaa qaaday weerarro qorsheysan oo ka dhacay guud ahaan dalka Mali, oo ay ku jirto caasimadda Bamako, sida ay sheegeen ciidanka dalkaas.

War qoraal ah oo ay soo saareen subaxnimadii Sabtida, milatariga Mali ayaa sheegay in “dagaal uu weli socdo”, iyagoo intaas ku daray in “ciidamada difaaca iyo kuwa amniga ay hadda ku hawlan yihiin iska caabbinta weeraryahannada”.

Dadka deegaanka ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay inay maqleen qaraxyo iyo rasaas culus aroornimadii Sabtida agagaarka saldhigga milatari ee Kati, oo ah xarun weyn oo ku taalla duleedka caasimadda Bamako. Ciidamo ayaa la geeyay si ay u xiraan waddooyinka aaggaas.

Waxaa sidoo kale la soo sheegayaa weerarro ka dhacay magaalada Gao ee waqooyi-bari iyo Sevare oo ku taalla bartamaha Mali.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo ka soo laabanayay Bamako kuna sii jeeday Itoobiya ayaa sheegay in dhammaan duullimaadyadii imanayay magaalada la joojiyay aroornimadii Sabtida. Ilaa hadda lama oga inay weerarradu saameeyeen garoonka diyaaradaha.

Mali waxaa hadda xukuma talis milatari oo uu hoggaamiyo Gen Assimi Goïta, kaas oo awoodda kula wareegay afgambi dhacay 2020, isagoo ballanqaaday inuu soo celin doono amniga isla markaana ka hortagi doono kooxaha hubeysan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.