Dowladda oo cadeeysay mowqifkeeda ku aadan banaanbaxa mucaaradka

Dowladda oo cadeeysay mowqifkeeda ku aadan banaanbaxa mucaaradka

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Xaalada magaalada Muqdisho, ayaa saakay ah mid kacsan iyada oo dowladda federaalka ay ciidamo badan dhoobtay waddooyinka muhiimka ah ee magaalada.

Si lamid ah mucaaradka ayaa dhankooda wada dhaq-dhaqaaq ciidan oo xooggan, waxaana socda abaabulkii ugu dambeeyay ee banaanbaxa ay mucaaradka berri ay iclaamiyeen.

Geesta kale guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye ( Yabooh) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in mowqifka dowladda ee ku aadan dibadbaxa ay berri mucaaradka ku qabanayaan Muqdisho.

Yabooh ayaa shaaca ka qaaday in dowladda ay ogoshahay mucaaradka, balse la qorsheeyay saddex goobood oo la shaacin magacyadooda, kuwaasi oo uu tilmaamay in mucaaradka kula hadli karaan taageerayaashooda.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa xusay in aan la ogeyn wax hub ah, isla markaana dowladda ay xaqiijineyso amniga iyo madaxda mucaaradka ee banaanbaxa ka qeyb galeysa.

Guddoomiyaha oo sii hadlayay ayaa sheegay in banaanbax hub laga daba sito oo qoryo lagu waardiyeynaayo uusan aheyn banaanbax.

Leave a Reply

Your email address will not be published.