Shiinaha ayaa Arbacada maanta ah dhaleeceeyay Maraykanka iyo Iiraan kaddib markii ay dib u bilaabeen dagaalka u dhexeeya labada dhinac. Shiinaha ayaa ku booriyay labada dhinac inay khilaafka ku xalliyaan waddo wada-hadal iyo diblomaasiyadeed.
Qatar oo ah dhexdhexaadiyaha u dhaxeeya Iiraan iyo Mareykanka ayaa war ka soo saaray goor dhow dagaalkan cusub. Waxay Qadar ku baaqday in la dejiyo xiisadda u dhexeysa labada dal kadib weerarro ay labada dhinac is-weydaarsadeen.
Laakiin shalay, kadib markii maraakiib shidaal lagu bartilmaameedsaday marinka Gacanka Hormuz, Qatar waxay eedda dusha ka saartay Iiraan, waxayna cambaareysay weerarka. Dhankeeda, Iiraan waxay dhaleeceysay mowqifka Qatar.
Maraykanka ayaa ku dhawaaqay inuu saaka fuliyay weerar ka dhacay koonfurta Iiraan, isagoo sheegay in uu ahaa jawaab ka dhan ah weerarkii lagu qaaday maraakiibta shidaal ee Qatar iyo laba markab oo kale.

Leave a Reply