Shabeellaha Hoose (Raxanreeb Online) Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada deegaanka ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo lagu beegsaday saldhigyo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Sida ay sheegeen saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka, ciidamada ayaa burburiyay xarumo iyo fariisimo ay kooxdaasi u adeegsan jirtay abaabulka weerarrada iyo dhaqdhaqaaqyada kale.
Waxaa sidoo kale la sheegay in howlgalka lagu gaarsiiyay kooxda khasaaro, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin tirada dhimashada ama dhaawaca.
Howlgallada ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee dowladda ay ku doonayso in lagu xoojiyo amniga lagana saaro Al-Shabaab deegaannada ay weli ku sugan yihiin.
Mas’uuliyiinta amniga, ayaa sheegay in ciidamada ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyagoo shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga si loo adkeeyo nabadgelyada.
Dhanka kale, Al-Shabaab weli kama aysan hadlin howlgalka iyo khasaaraha dowladda ay sheegtay in lagu gaarsiiyay.

Leave a Reply