Puntland (Raxanreeb Online): Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, Caydiid Dirir, ayaa sheegay in Puntland ay ahaan doonto dowlad si madax-bannaan ula macaamisha dunida, ilaa laga helo dowlad Soomaaliyeed oo heshiis lagu yahay.
Wasiirka ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay ku jirto dowlad Soomaaliyeed oo heshiis lagu yahay, balse ay shardi tahay in dalka yeesho Dastuur aan ku-meel-gaar ahayn (KMG) oo ay shacabka Soomaaliyeed si toos ah ugu codeeyeen.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli uu weli jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha dastuurka, awood-qaybsiga iyo hannaanka dowladnimada dalka.

Leave a Reply