Puntland (Raxanreeb Online): Jimcaale Jaamac Takar, oo Dowladda Federaalka Soomaaliya u magacaawday Taliyaha Qaybta 54-aad ee fadhigeedu yahay Puntland, ayaa si rasmi ah uga tanaasulay xilka iyo arrimaha la xiriira dowladda Federaalka, kaddib markii uu heshiis la galay Dowladda Puntland.
Tallaabadan ayaa loo arkaa mid dhaawac ku ah qorshihii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in ciidamo federaal ah laga dhex sameeyo Puntland, iyadoo Jimcaale Jaamac Takar uu hadda heshiis la galay maamulka Puntland.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland, gaar ahaan arrimaha ciidamada iyo maamulka awoodaha amni.

Leave a Reply