Puntland oo Furtay Waddo Muddo Dheer Xirnayd

Puntland oo Furtay Waddo Muddo Dheer Xirnayd

Boosaaso (Raxanreeb Online): Xukuumadda Puntland ayaa maanta shaacisay inay dib u furtay waddo laami ah oo muddo dheer u xirnayd arrimo amni, gaar ahaan sababo la xiriiray xero ciidan oo ku taallay waddadaas.

Xerada ciidanka ayaa dhawaan waxaa la wareegay dowladda, taasoo horseeday in waddada dib loogu soo celiyo isticmaalka shacabka.

Maamulka Dowladda Hoose ee Boosaaso ayaa sheegay in waddadu hadda u furan tahay dadka, gaadiidka iyo ganacsiga, gaar ahaan isu socodka xoolaha laga dhoofiyo Dekedda Boosaaso.

Leave a Reply

Your email address will not be published.