Bari (Raxanreeb Online): Gaadiid badan ayaa ku xanniban waddada isku xirta Boosaaso iyo Qardho, kaddib markii ay halkaasi xireen ciidamo ka tirsan Puntland oo ka cabanaya mushahar la’aan dhowr bilood ah.
Ciidamada ayaa la sheegay inay cabashadooda la xiriirto xuquuqda iyo mushaharka oo muddooyinkii u dambeeyay aan la siin.
Xukuumadda Puntland ayaa lagu eedeeyay inay muddo 8 bilood ah bixin la’dahay xuquuqda ciidamada iyo shaqaalaha rayidka ah, iyadoo dhanka kale ay maalmihii lasoo dhaafay dib ula wareegaysay boqolaal askari oo horey mushahar uga qaadan jiray Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ciidamadan ayaa horey uga baxay ama uga fogaaday maamulka Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, kaddib markii ay ka cabteen in aan la siin xuquuqdooda.
Xirnaanshaha waddada ayaa saameyn ku yeeshay isu socodka gaadiidka iyo dadka u kala goosha Boosaaso iyo Qardho, iyadoo aan weli la ogeyn muddada ay ciidamada waddada sii xirnaan doonaan.

Leave a Reply