Belgium (Raxanreeb Online): Wiil 18 jir ah oo u dhashay dalka Belgium ayaa helay dahab lagu qiyaasay qiimihiisu inuu gaarayo 10 milyan oo dollar, xilli uu ka shaqeynayay duminta dhisme qadiimi ah.
Wiilka ayaa la sheegay inuu dhismaha dumintiisa ku guda jiray markii uu arkay wax u eg shilimo dahab ah oo ku daadsanaa goobta. Arrintan ayaa la yaab ku noqotay, waxaana goobta loogu yeeray laamaha ammaanka.
Ciidamada ammaanka ayaa markii ay goobta gaareen la wareegay dahabkii laga helay dhismaha, iyadoo ilaa hadda aan si rasmi ah loo xaqiijin cidda leh hantida iyo halka ay asal ahaan ka timid.
Arrintan ayaa dhalisay xiiso iyo hadal-heyn ku saabsan halka uu ka yimid dahabka iyo qofka sharci ahaan xaqa u leh hantida laga helay dhismaha qadiimiga ah.

Leave a Reply