Muqdisho (Raxanreeb Online): Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Pakistan ayaa sii wada wada-hadallada ku saabsan iskaashiga difaaca, heshiisyada milatari iyo kordhinta awoodda Ciidanka Cirka Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Pakistan u fadhiya Soomaaliya, Marwo Aqsa Nawaz, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga difaaca ee labada dal.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay hirgelinta is-afgaradyada labada dhinac iyo dardargelinta wada-shaqeynta ku saabsan tababarka, tayeynta iyo dhismaha awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay horumarinta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, iyadoo sidoo kale la isla eegay ballaarinta iskaashiga amniga iyo la-dagaallanka argagixisada, iyadoo lagu saleynayo danaha wadajirka ah iyo is-ixtiraamka labada dal.
Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, S/Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, iyo U-qeybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Pakistan, Korneyl Maxamed Inam Khattak.
Wada-hadalladan ayaa muujinaya in Soomaaliya ay raadineyso in ay sii xoojiso awoodda iyo tayada Ciidanka Cirka, iyadoo Pakistan ay kamid tahay dalalka ay Soomaaliya kala shaqeynayso dhinacyada tababarka, qalabaynta iyo dhismaha awoodda ciidanka.






Leave a Reply