Muqdisho (Raxanreeb Online): Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ay sii xumaanayso, iyadoo qiyaastii saddexdii qof ee Soomaali ah mid ka mid ah uu wajahayo cunto-yaraan.
Warbixinta ayaa kusoo beegmaysa xilli ay si weyn hoos ugu dhaceen kaalmihii caalamiga ahaa ee Soomaaliya, iyadoo la sheegay in taageeradii dibadda ay hoos u dhacday ku dhowaad 80%, taas oo saameyn ku yeelatay barnaamijyada gargaarka iyo dadka nugul.
Sida ay baahisay Al Jazeera, Soomaaliya waxaa ku nool ku dhowaad 19 milyan oo qof, waxaana sii kordhaya walaaca laga qabo xaaladda cunto iyo bani’aadantinimo ee dalka.
Hoos u dhaca maalgelinta gargaarka ayaa si gaar ah u saameynaya dadka ku tiirsan gargaarka cuntada, caafimaadka, biyaha iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah, xilli dalka uu sidoo kale wajahayo saameynta abaaraha, isbeddelka cimilada iyo barakaca.
Xaaladdan ayaa muujinaysa caqabadda weyn ee Soomaaliya ka haysata inay ka gudubto ku-tiirsanaanta gargaarka dibadda, iyadoo dowladda ay sheegtay inay doonayso in dhaqaalaha dalka la xoojiyo lana gaaro isku-filnaansho dhaqaale.

Leave a Reply