DEG-DEG: Ciidamo Taabacsan Laftagareen oo Ku Qulqulaya Duleedka Baydhabo

DEG-DEG: Ciidamo Taabacsan Laftagareen oo Ku Qulqulaya Duleedka Baydhabo

Baydhabo (Raxanreeb Online): Wararka laga helayo gobolka Bay ayaa sheegaya in ciidamo tiro badan oo la sheegay inay ka amar qaataan Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ay ku qulqulayaan furimaha dagaalka ee duleedka magaalada Baydhabo.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay si gaar ah u hubeysan yihiin, waxaana wararku tilmaamayaan inay kasoo dhaqaaqeen degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Sida xogaha hordhaca ah ay sheegayaan, ciidamada ayaa loo diyaariyey hawlgallo ka dhacaya nawaaxiga Baydhabo, iyadoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin ujeeddada saxda ah ee ciidamada loogu soo daadgureeyay goobahaasi.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli Baydhabo ay ka jirto xaalad siyaasadeed iyo amni oo kacsan, iyadoo dhaqdhaqaaqyo ciidan laga soo sheegayo duleedka magaalada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.