Muqdisho (Raxanreeb Online): Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Milatari ee Dalalka Islaamka ee La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC), Sarreeye Gaas Maxamed Bin Saciid Al-Mageedi, ayaa si rasmi ah Muqdisho uga daah-furay hindisaha “Saxafiga Nabadda” oo uu hirgelinayo Isbahaysiga.
Hindisahan ayaa diiradda lagu saarayo xoojinta awoodda warbaahinta, kor u qaadista wacyiga bulshada, ka hortagga xagjirnimada iyo dacaayadda kooxaha argagixisada, iyo dhisidda dhaqanka nabadda, dhexdhexaadnimada iyo wada-noolaanshaha bulshada.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in khibradda Soomaaliya ay muujisay in la-dagaallanka argagixisadu u baahan yahay iskaashi dhinacyo badan leh, isagoo tilmaamay in warbaahintu leedahay door istiraatiiji ah oo ku aaddan qaabaynta fahamka bulshada, ka hortagga marin-habaabinta iyo faafinta farriimaha nabadda.
Wasiirka ayaa ka qeybgalayaasha tababarka ugu baaqay inay si wanaagsan uga faa’iideystaan aqoonta iyo khibradaha lagu gudbinayo hindisaha “Saxafiga Nabadda”, si ay gacan uga geystaan ka hortagga fikirka xagjirka ah iyo dacaayadda argagixisada.
Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Isbahaysiga Milatari ee Dalalka Islaamka taageerada iyo tababarrada uu Soomaaliya siiyay, isagoo si gaar ah u xusay taageerada joogtada ah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay ku bixiso dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada iyo xagjirnimada.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ugu dambeyn sheegay in maalgelinta warbaahin masuul ah ay tahay maalgelin lagu sameynayo nabadda, xasilloonida iyo mustaqbalka bulshada, isagoo tilmaamay muhiimadda ay warbaahintu u leedahay dadaallada lagu xoojinayo amniga Soomaaliya.






Leave a Reply