Baydhabo (Raxanreeb Online): Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa magaalada Baydhabo ku guddoomiyey shir looga hadlay xoojinta amniga deegaanada Koonfur Galbeed iyo ka hortagga weerarrada Al-Shabaab.
Shirka waxaa looga hadlay xaaladda guud ee amniga iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha amniga, si looga hortago falalka amni-darro iyo weerarrada kooxda Al-Shabaab.
Madaxweyne Aadan Madoobe ayaa hay’adaha amniga faray inay laba jibaaraan dadaallada lagu sugayo amniga, isla markaana ay si dhow ula shaqeeyaan bulshada.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale shacabka Koonfur Galbeed ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada iyo hay’adaha amniga, ayna soo gudbiyaan xog kasta oo gacan ka geysan karta ka hortagga weerarrada iyo sugidda nabadgelyada.
Shirkan ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Baydhabo iyo deegaanada ku xeeran ay ka jiraan xaalado amni oo u baahan feejignaan iyo iskaashi dheeraad ah.

Leave a Reply