MW Xasan Sheekh oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn

MW Xasan Sheekh oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn

Belgrade, Serbia (Raxanreeb Online): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Belgrade ee dalka Serbia kaga qeyb galay Shirka Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn (Non-Aligned Movement), halkaas oo uu khudbad kaga hadlay xaaladda amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee dunida.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in caqabadaha maanta dunidu wajahdo, oo ay kamid yihiin colaadaha, argagixisada, xiisadaha juqraafi-siyaasadeed iyo isbeddelka cimilada, ay u baahan yihiin iskaashi iyo isku-duubni caalami ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shirka kusoo bandhigay horumarka Soomaaliya iyo dadaallada Dowladda Federaalka ee ku aaddan xasilloonida, dib-u-dhiska iyo horumarinta dalka, isagoo uga mahadceliyay bahwadaagta caalamiga ah taageerada ay si joogto ah u siiyaan Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa adkeeyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay dhowrista mabaadi’da Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn, gaar ahaan madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka, caddaaladda, sinnaanta iyo xalinta khilaafaadka si nabad ah.

Shirka Belgrade ayaa madaxda iyo wakiillada dalalka ka qeybgalaya siinaya fursad ay kaga wada hadlaan xasilloonida caalamka, iskaashiga dalalka soo koraya iyo sidii loo wajihi lahaa caqabadaha amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee dunida.

Leave a Reply

Your email address will not be published.