Muxuu kala hadlay Siciid Deni mas’uuliyiinta degmada Baargaal ?

Baargaal ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo ku sugan magaalada Baargaal, ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiinta degmada iyo kuwa gobolka Raas-caseer ee maamulka Puntland.

Kulanka ayaa la isaga xogwareystay xaaladda guud ee degmada Baargaal iyo guud ahaan Gobolka Raas-caseyr, gaar ahaan dhinacyada Amniga, la-dagaalanka Argagixisada, la-dagaalanka Burcadbadeeda, Amniga badaha, horumarka iyo sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha ka jira deegaanka korna loogu qaadi lahaa maalgashiga

Sidoo kale kulanka waxaa ka qeyb galay Xildhibaano, wasiiro iyo taliyaha ciidanka booliska ee maamulka Puntland.

Siciid Deni ayaa safar dhulka ah ku marayo, qaar kamid ah gobollada Puntland, waxaana la filaya in deegaannada qaar uu mashaariic muhiim u ah bulshada uu dhagax dhigo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.