Baydhabo ( Raxanreeb Online) Wararka inaga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, ayaa sheegay in xalay diyaarado aan duuliye lahayn ay duqeyn ka fuliyeen deegaanka Hartiqaanle oo ku yaalla duleedka magaalada Baydhaba ee gobolka Baay.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in duqeynta lagu beegsaday bakhaar lagu keediyo raashiinka ay isticmalaan Beeraleyd deegaanka. Sawirrada la helay goobta ayaa muujinaya burbur soo gaaray goobta la sheegay in la duqeeyay.
Ilaa hadda lama xaqiijin khasaaraha nafeed ee ka dhashay duqeynta, sidoo kalena ma cadda cidda si rasmi ah uga dambeysay weerarka.
Duqeyntan ayaa kusoo beegmeysa xilli maalmihii lasoo dhaafay diyaarado dagaal ay howlgallo duqeyn ah ka wadeen deegaano ku dhow Baydhaba, kuwaas oo lagu sheegay in lagu bartilmaameedsanayo ciidamo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.
Sido kale Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan cidda fulisay duqeynta, mana jirto hadal kasoo baxay madaxda maamulka Koonfur Galbeed.

Leave a Reply