Somaliland oo ka hadashay xariga Xasan Galleydh

Somaliland oo ka hadashay xariga Xasan Galleydh

Hargeysa ( Raxanreeb Online) Booliska jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa ka hadlay xarigga wariye Xasan Galleydh oo shalay la xiray.

Waxay sheegeen in Galeydh loo haysto eedo ku saabsan faa-faainta warar been abuur ah.

War kooban oo ka soo baxay booliska ayaa sidoo kale lagu sheegay in wariyuhu uu caddeyn u waayay wararka uu baahiyay oo boolisku been abuur ku tilmaameen.

Intaa waxey ku dareen laamaha ammaanku in ay maxkamad hor-geyn doonaan isla markaana arrimahaas wax laga waydiin doono.

Somaliland bilihii la soo dhaafay waxaa lagu xiray tiro wariyaal ah, iyadoo xukuumaddu ku eedeysay wariyaasha gudbinta warar aan sax aheyn.

Leave a Reply

Your email address will not be published.