Ciidanka koonfur galbeed oo gacanta kusoo dhigay Nin ka dambeeyey dil ka dhacay Baydhabo

Baydhabo (Raxanreeb Online) Wararka inaga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, ayaa ku waramaya in ciidanka booliska koonfur galbeed, ay howlgal ku soo qabteen shaqsi xalay qof shacab ah ku dilay magaalada Baydhabo.

Shaqsiga lasoo qabtay ayaa lagu eedeeyey in xalay gudaha magaalada Baydhabo uu ku dilay wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Alle hau naxariiste Jamaal.

Ninka dilka geystay ayaa la sheegay inuu goobta isaga baxsaday, balse howlgal dheer kaddib ay ciidanka maamulka koonfur galbeed, ay gacanta ku soo dhigeen.

Weli faah faahin dheeraad ah laga mahayo sababta loo dilay marxuum Jamaal oo kamid ahaa dhallinyarada aad looga yaqaanay gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Sidoo kale taliska ciidanka booliska koonfur galbeed, kama aysan hadlin howlgalka ay ku soo qabteen shaqsiga lagu eedeeyay inuu ka dambeeyey dilka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.