Iran oo diyaarad ku soo riday marinka Hormuz

Iran oo diyaarad ku soo riday marinka Hormuz

Tehran (Raxanreeb Online) Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Iran, IRNA, ayaa sheegtay in Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran ay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn oo nooca MQ-1 ah, taas oo lagu soo riday Marinka Hormuz.

Waaxda xiriirka dadweynaha ee Ilaalada Kacaanka ayaa sheegtay in diyaaradda la qabtay lana “burburiyay” iyadoo la adeegsanayo nidaam cusub oo casri ah oo difaaca cirka ah, kaas oo ku shaqaynayay shabakadda isku-xiran ee difaaca circa ah.

Ilaalada Kacaanka ayaan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dhacdadan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.