Baydhabo (Raxanreeb Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guddoomiyey shir looga hadlay xaaladda amniga guud ee deegaannada Koonfur Galbeed, gaar ahaan amniga iyo xasilloonida magaalada Baydhabo.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladda amni ee magaalada Baydhabo iyo guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo warbixinno laga dhageystay mas’uuliyiinta iyo saraakiisha amniga ee ka qeybgalay shirka.
Hoggaamiyaha ayaa faray hay’adaha amniga in la xoojiyo wada-shaqeynta, feejignaanta iyo howlaha lagu sugayo amniga shacabka, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo ilaalinta nabadgelyada iyo badqabka bulshada.
Sidoo kale waxaa shirka lagu adkeeyey muhiimadda ay leedahay in ciidamada amniga ay si dhow ula shaqeeyaan bulshada, si loo xaqiijiyo xasilloonida iyo amniga Magaalada Baydhabo iyo guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed.
Hoggaamiyaha oonfur Galbeed ayaa ku boorriyey hay’adaha amniga in ay sii laba-jibaaraan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida, isla markaana shacabka ay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada amniga.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga, Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada, Agaasimaha Madaxtooyada, Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiisha kala duwan hay’adda amniga ee ka howlgala deeganada Koonfur Galbeed Soomaaliya.


Leave a Reply