Aadan Madoobe oo safar ku jooga dalka Sucuudiga + ujeeddada

Aadan Madoobe oo safar ku jooga dalka Sucuudiga + ujeeddada

Riyad (Raxanreeb) — Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray magaalada Riyaad ee caasimada Boqortooyadda Sacuudi Carabiya.

Wafdiga Guddoomiyaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Riyaad ku soo dhaweeyay Madax ka socotay Baarlamaanka Sacuudiga, Sii-hayaha Safaarada Soomaaliya ee Sacuudiga iyo saraakiil ka tirsan safaarada.

“Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo booqasho rasmi ah Ku tagay Boqortooyadda Sacuudiga ayaa kulamo miradhal ah la qaadan doona dhigiisa dalkaas Dr Cabdullaahi bin Maxamed bin Ibraahim Aala Sheekh,” sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo dhiggiisa Sacuudiga ayaa hadaladooda diirada ku saari doona wadashaqeynta labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Sacuudiga.