Madaale oo dhagax dhigay waddo loogu magacdaray Madaxweyne Cali Mahdi

Madaale oo dhagax dhigay waddo loogu magacdaray Madaxweyne Cali Mahdi

Muqdisho (Raxanreeb) — Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Degmada Cabdicasiis ee Magaalada Muqdisho ka dhagaxdhigay Waddo Laami ah oo loogu magacdaray Allaha u naxriisto Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

Wadadaan oo isku xerta Laamiga weyn ee Gaadiidka iyo Laamiga Liido, ayaa waxa ay dhex marta Suuqyaraha Degmada Cabdicasiis, iyadoona munaasabadda dhagaxdhiga ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyaha Degmada Cabdicasiis Ubax Roda, qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Guud iyo Agaasime waaxeedyada Gobolka Banaadir, Odayaasha deegaanka iyo Bulshada qeybahooda kala duwan.

Guddoomiyaha Degmada Cabdicasiis RodaCabdi Cali (Ubax Roda) ayaa sheegtay in dhismaha wadadaan ay baahi weyn u qabeen bulshada Soomaaliyeed, maadaama Degmada Cabdicasiis ay tahay Degmo dalxiis oo ay isugu yimaadaan dhammaan bulshada qeybahooda kala gedisan, waxa ayna wadadaan halbowlo u tahay isku socodka bulshadana iyo isku xerka Xeebta Liido iyo Magaalada inteeda kale. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Dowladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo goobta ka hadlay ayaa ku amaanay Bulshada iyo Maamulka Degmada Cabdicasiis sida ay isaga kaashanayaan dhismaha wadadaan, asiga oona dhinaca kale ugu digay shirkada gacanta ku heysa dhismaha wadadaan in lagula xisaabtami doonno tayada wadadaan, si loo helo Laami tayadiisu ay sareyso.