Addis Ababa (Raxanreeb) — Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa sheegay in dadka qaar ay faafinayeen eedeeymo, si ay u gaaraan dano siyaasadeed oo gaar ah, xilli dadka Itoobiya iyo Suudaan ay wajahayaan caqabado badan.
“Waxaan si adag u cambaareyneynaa eedeymahan loogga dan leeyahay in lagu xumeeyo xiriirka wanaagsan, iyo derisnimada ka dhexeysaa dalalka Itoobiya iyo Suudaan,” ayuu Mr Abiy ku yiri qoraal uu ku soo saaray luqadda Carabiga barta uu ku leeyahay Twitter-ka.
Hadalka ra’iisul wasaaraha Itoobiya, ayaa daba socda markii ay soo baxeen warar sheegaya in ciidamada Itoobiya ay weerar ku qaadeen ciidamada Suudaan ee ku sugan gobolka lagu muransan yahay ee Al-Fashaga, iyadoo ay weli socdaan dagaallada u dhexeeya xoogagga iska soo horjeeda ee Suudaan.
Suudaan iyo Itoobiya ayaa waxaa u dhexeeya khilaaf xooggan oo ku saabsan gobolka Al-Fashaga, iyadoo maamulka Khartoum ay ciidamo u dirtay halkaas, ayna la wareegeen inta badan sannadkii 2021-ka.