Al- Shabaab lagu qabtay Garoowe & Saraakiil ka hadashay.

Garowe (Raxanreeb ) Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/sare Xussen Cali Maxamuud ayaa maanta oo Talaad ah sheegay inay qabteen Xubno ka tirsan Alshabaab kuwaaso baxdsad ahaa.

Taliyaha ayaa sido kale sheegay Asbuuca danbe Maxkmada lasoo taagi doono xubanahaasi ka tirsanaa Kooxda Al- Shabaab.

Waxa uu sheegay Taliyaha in sharciga la marsiin doono shaqsiyaadka ka tirsan kooxda Al- Shabaab ee laamaha amniga gacanta ay ku dhigeen.

“Howlgal ay sameeyeen ciidanka amaanka Dowladda Puntland ayay ku guulaysteen in gacanta ay ku soo dhigaan kooxa argagixisa ah oo ka tirsan Al- Shabaab wada shaqaynta Bulshda iyo ciidanka ayay arintan ku timid ” ayuu saxaafadda u sheegay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/sare Xussen Cali Maxamuud .

Ciidanka amaanka Puntland ayuu sheegay Taliyaha in ay xoojin doonaan howlgalada ka dhanka ah falalka amaan daro , waxaana uu ku baaqay in laamaha amaanka lala shaqeeyo.

Warkan Taliska Booliska gobolka Nugaal ayaa imaanaya iyadoo Al- Shabaab laga riixay meelo badan oo ka tirsan gobolada dhexe ee dalka isla markaana la hadal hayo in kooxdu u ruqaasan karto deegaanada kale ee dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.