Puntland : ”Taliye shub xanaasada halaga qaado hana la ciqaabo”

Garowe (Raxanreeb ) Maamulka Puntland ayaa ka codsatay Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in Xasaanadda lag qaado Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo – garan og yahay Taliye Shub.

Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha Puntland Cabdiweli Mire ayaa ayaa sheegay in Xildhibaankaas oo ka soo jeeda koonfur Galbeed uusan aqoon dhaqanka wanaagsan ee Soomaalinimada .

Intaas waxa uu warkiisa ku daray in ay tahay in xilka laga qaado Taliyaha oo la diyaariyo Gole joojin xanaasada loogu xayuubinayo si buu yiri ciqaad ay ugu noqoto kuwa – badan.

“Guddoonka Baarlamaanka Waxaan ka codsanaynaa in Xasaanada laga qaado Xildhibaan shubka Mana istaahilo inuu xil u hayo ummadda sidoo kale xildhibaanada Puntland iyo Galmudug waa inay ka shaqeeyaan mooshin xilka looga qaadayo Xlidhibaan shubka” Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha Puntland Cabdiweli Mire.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in wax laga xumaato ay tahay in xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka si jees jees ah uu uga hadlo kacdoonka shacabka ay isaga duqaadayaan Al- Shabaab.

Hadalkan Maamulka Puntland ayaa daba socda ka dib markii xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan uu meel fagaara ah ka sheegay in Shabaab loo dhaqaajiyo dhanka maamulada Puntland iyo Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.