Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhiga ATMS ee Buula Mareer

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhiga ATMS ee Buula Mareer

Muqdisho (Raxanreeb) — Faah faahino dheeraad ah, ayaa kasoo baxeysa weerar Al-Shabaab ku qaadeensaldhig ay ATMS ku leeyihiin degmada Buula Mareer, ee Shabeellaha Hoose.

Xalay, ayay Al-Shabaab weerar ku qaadeen ATMS halka ciidamda halkaas ku sugnaa ay sameeyeen iska caabin sida ay sheegeen dad sugan halkaasi.

Goobgoogeyaal ayaa inoo xaqiijiyay in weerar dhex maray shabaab iyo Atms uu socda muddo kooban, halka dhawaaqa rasaas kala duwana laga maqlayay deegaano ka fog degmada Buula Mareer ee Shabeellaha Hoose.

Weli ma cadda khasaaraha rasmiga ah, ee dhinacyada ku dagaallamay soo kala gaaray, walow ay ahayd xili mugdi ah, ee habennimo.

Ciidamada ATMS, ayaa sameeyay iska caabin xooggan halka ay sheegayaan goobjoogeyaasha kuwaas oo kusii daray in laga adkaaday xubnaha ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab ee saldhigga weerarka kusoo qaaday.

Xaaladda deegaanka ayaaan weli sal ku fadhin ayadoona degmada uu ka socdo howlgallo ay si wadajir ah, u sameeynayaan ciidamada Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo kuwa ATMS ee weerarka loo geeystay.

Dhowaan ayay ahayd halka ciidamo Ugaandhees deggan xero ku taalla iska Buula Mareer ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo halkaas ku dilay ku dhowaad 60 askeri oo ka tirsan howlgalka ATMS gaar ahaan kuwa Yugaandha.

Askarta lagu dhammeeyay degmada Buulo Mareer weerarkii hore ee lagu dilay inkabadan 57 askeri ayaa ka hadlay madaxweyne Yoweri Museveni, kaas oo dhalleeceen xooggan u jeediyay saraakiisha, hoggaamineysay oo uu ku sheegay kuwoo fuleey ah, oo askarta niyad jabiyay.

Al-Shabaab ayaa weeraro gaadmo ah, ku qaadda inta ugu badan saldhigyada ku yaalla shabeellaha hoose deegaannada hoostaga sida Buulo Mareer taasoo loo sababeynayo inay aad ugu xoogganyihiin deegaannadaasi.