Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ATMS kuleeyihiin Shabeellaha Hoose

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ATMS kuleeyihiin Shabeellaha Hoose

Janaale (Raxanreeb) — Warar dheeraad ah, ayaa kasoo baxaya gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo sheegaya in maanta dagaal xooggan oo u dhexeeya dagaalyahannada Al-Shabaab, iyo ciidamada howlgalka ATMIS uu ka dhacay degmada Janaale, ee gobolkaasi.

Al-Shabaab, ayaa weerar culus ku qaaday saldhig ciidamada ATMS, gaar ahaan kuwa Uganda ku leeyihiin halkaasi, taasoo lasoo werinayo khasaare kala duwan.

Weerarkan kadib ayaa waxaa jiray iska hor imaad toos ah, oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Labada dhinac ayaa kala sheeganaya guulo waa weyn, oo ay ka gaareen dagaalkaasi walow aysan caddeeyn cida lagu jabiyay weerarkaasi.

Taliska ATMIS, ayaa si kooban uga hadlay dagaalka degmada Janaale, ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen weerarka Al-Shabaab, ayna jabiyeen xubnaha Shabaab ee soo weeraray.

ATMIS ayaa intaasi kusii dartay inay khasaare kala duwan oo leh dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiisay kooxda Al-Shabaab, waa sida ay hadalka u dhigtay, ATMS.

Al-Shabaab, ayaa dhankeeda sheegatay in weerarkaasi ku gubtay gaadiid badan sidoo kale khasaare gaarsiiyay ciidamada Uganda ee ku howlgala ATMS.

Ma jirto ilo madax banaan oo sheegashada Al-Shabaab, iyo ATMS, xaqiijin kara balse goobaha lagu dagaallamay ayaa hadda ku sugam ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo kuwa ATMS.

Al-Shabaab, ayaa weeraro ku qaada inta badam xarumaha dowladda iyo kuwa ATMS, weerarkaasi oo inta badan ah, mid kudhufo oo ka dhaqaaq ah, waxaana ka dhasha khasaare isugu jiro.

ATMIS, gaar ahaan ciidanka Uganda ayaa la gaarsiiyay weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee abid, wuxuuna ahaa mid Buulo-mareer ka dhacay oo ugu yaraan 56 askari oo ay ku jiraan saraakiil sar sare loogu dilay halka firxadkoodi toddobaad kadib la helay.